
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Bare iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta soo kormeray Xerada Ciidamada Xoogga dalka Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.
Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ciidamada la wadaagay inay garab taagan yihiin, ayna u diyaar garoobaan xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.