Baydhabo-{WMN}- Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada โsi ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.
Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galy โjihooyin badanโ.
Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.
Hase yeeshee dadka magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday