Baydhabo-{WMN}- Toddobo Garsoore ayaa Arbacada berri ah dhegeysan doona dacwadda la xiriirta doorashada madaxtinnimada Kenya.
Guddoomiyaha Maxkamadda, ayaa fartay madaxa booliska inuu si wanaagsan u sugo amniga wakiillada inta ay socoto howsha kormeerka oo ka dhici doonta
Dhegeysi hordhac ah ayay maxkamaddu sameysay maanta, waxayna waqtiyaysay dhegeysiga doodaha xisbi kasta iyo wakiillada.
Raila Odinga ayaa diiday natiijada doorashada, isagoo sheegay in ku dhawaaqista in uu xilka ku guuleystay Ruto ay ahayd mid sharci-darro ah, taas oo uu u cuskaday kala qeybsanaanta guddiga doorashada iyo in Chebukati uu ku guuldarreystay inuu sharraxaad ka bixiyo sida ay ku timid tirintii ugu dambeysay.
Ruto, wuxuu doonayay in afarta xubnood ee guddiga doorashada ee ku aragtida ah isbaheysiga Azimio ay maraan dhanka isbaheysigaas.
Xubnaha afarta ah ayaa qeyb ka ah mas’uuliyiinta guddiga doorashada ee ka jawabaya dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyay.