Baydhabo-{WMN}- Shirka Khamiislaha Golaha wasiirada ee Koonfurgalbeed oo shir gudoominayey todobaadkaan Madaxweyne Cabdi Casis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan Amniga kg, sidii looga qeyb qaadan lahaa Gurmadka abaaraha iyo dhisitaanka golaha degaanka degmooyinka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
inta uu shirka socdey ayaa waxaa lagu soo hadal qaadey Shaqaaqadii ka dhacdey Degmada wala-weyn iyo in si weyn loo xaqiijiyay amniga koonfurgalbeed .
wasiirada ayaa intooda badan laga dhageystay warbixino ay madaxweynaha iyo wasiirada kale ay ugu warbixinayeen arimaha degaanada .
wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada Kg Ilyaas Cali Nuur Cali ayaa shirka kadib wafidiyeenka ugu waramey shirka iyo waxyaabihii ka soo baxey
shirkaan OO waxyaabaha looga hadlay uu kamid ahaa arimaha gurmad abaaraha kg OO ah waxyaabaha ugu weyn ee xiligaani ka taagan kg ayaa hadana ah mid aan muuqanin Gurmadka loo sameeynayo dadka abaarta saameysay ee ku nool gobolada Koonfurgalbeed .