
Baydhabo-{WMN}- Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud iyo Taliyaha howlgalka gaarka ah ee AFRICOM,
Michael Langley ayaa wuxuu Muqdisho ku kulmay 29-kii August ee sanadkan 2022-dii.
Kulankan waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashiga dhanka ammaanka.
Villa Somalia ayaan wali ka hadlin is-araggan oo ka dhacay xeyndaabka Xalane.
“Inta uu socday kulanka ayaa waxaa la iskula soo qaaday muhiimadaha iyo howlgallada sida dagaalka ka dhanka ah
Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay AFRICOM.
Jeneraal Langley ayaa booqashadiisa Soomaaliya waxay qayb ka ahayd socdaal uu ku marayo Geeska Afrika kadib
markii loosoo magacaabay hogaanka AFRICOM bartamaha bishii hore.
Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybta warfaafinta ayaa illaa haatan wuxuusan ka hadlin is-araggan.
Intii uu joogay Muqdisho, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ayuu la kulmay gaar ahaan Wasiirka
Gaashaandhiga ee xukuumadda federalaka ah, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Wadahadalka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimo u badan
ammaanka iyo la dagaalanka maleyshiyadda Al-Shabaab.
Cabduqaadir oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri “waxaa maanta magaalada Muqdisho ku
soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley”.
Wuxuu raaciyey: “DFS (Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya) waxay ka mahadcelineeysaa doorka [howlgalka]
AFRICOM ee sara u qaadida amniga geeska Africa”.
“Waxaan la wadaagnay qorshaheena ah sare u qaadida awooda ciidanka XDS si ay ula wareegaan amniga guud ee
Dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Alshabaab,” ayuu xusay.
Dhanka Mareykanka, waxaa shirka qayb ka ahaa danjiraha u jooga Muqdisho, Larry André. Taliye Michael Langley
ayaa xilkan waxaa loo magacaabay 9-ka bishaan August ee sanadka 2022