Baydhabo-{WMN}-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Danijire Tiina Intelmann.
Kulanka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa looga hadlay “Sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardargelin lahaa fulinta qorshaha kala guurka.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann garab istaaga ay u muujiyeen Midowga Yurub iyo doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka.
Ugu dameyn Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Danijire Tiina Intelmann ayaa ku bogaadisay dadaallada ay ku jireen Ciidanka Xoogga Dalka, oo qaar ka mid ah Goballada Dalka ka wada dagaallo dib loogu xorreynayo Al-Shabaab, iyada oo sidoo kale ugu mahadcelisay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur booqashadiisa.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka tageera dhismaha Ciidanka iyo dowladd dhiska, isaga oo gudaha Dalka sanad waliba ka fuliya mashaariic horumarineed.