Baydhowy-{WMN}- Difaaca xulka qaranka Germany iyo Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa sheegay in ay jiraan laba waddan oo xulka qaranka Jarmalka kaga horreeya ku guuleysiga Koobka Adduunka ee laba bilood kaddib ka bilaabmi doona waddanka Qatar.
Rudiger oo warayasi siinayay wargeyska Sport 1 ee kasoo baxa waddanka Jarmalka ayaa waxa uu sheegay, in sannadkan uu xulka qarankiisa Germany ay ka go’an tahay in ay ku guuleystaan Koobka Adduunka, laakiin ay jiraan laba waddan oo ka awood badan oo muquunin karaya.
Rudiger oo asal ahaan u dhashay waddanka Sierra Leone, ayaa waxa uu doortay in uu u ciyaaro xulka Germany ee uu kusoo barbaaray, waxaanay Jimcaha iyo Isniinta la ciyaarayaan Hungry iyo England kulamo ka tirsan UEFA Nations League, waxaana mar la weydiiyey fursadda uu Jarmalku u haysto Koobka Adduunka uu ku jawaabay: “Dabcan, yoolkayagu waa in aanu ku guuleysano Koobka Adduunka, laakiin waxa jira dalal kale oo naga horreeya. Ma doonayno in aanu cidnaba qarino, mana fadhiisanayno halka oo ma odhanayno waxa aanu nahay dalka ugu weyn ee ugu cadcad koobka adduunka. In aad hoos isku dhigo ma aha wax xun.”Advertisements
Intaas kaddib ayuu magacaabay labada xul ee kaga horreeya dalkiisa ku guuleysiga Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “France iyo Brazil ayaa haysta ciyaartooyo wanaagsan. Marka aad taas eegto, waxa jira waddamo naga horreeya, laakiin waxa uu mar walba Jarmalku ku ciyaaraa isku-xidhnaan. Dhamaantayo wada-jir ayaanu nahay, mana eegno sida ay u adag yihiin cidda naga hor imanaysa. Kaliya waxa aanu doonaa in aanu ka guuleysano.”
Antonio Rudiger ayaa xulka qaranka Germany u saftay 53 cicyaarood oo uu u dhaliyey laba gool.