Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan written by Warsan Radio 26/09/2022 Bangiga Adduunka ayaa sheegay in illaa $2 bilyan oo dollar inuu ku bixinayo gargaarka loo fidinayo dalka Pakistan, ka dib markii ay halakeeyeen dalkaas daadad xad-dhaaf ah oo ay ku dhinteen in ka badan 1,600 oo qof, waxaana ballanqaadkani uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee illaa hadda lagu yabooho.Roobabka dabaylaha wata iyo daadad aan hore loo arag ayaa sannadkan ku dhuftay dalka Pakistan, kuwaas oo burburiyey illaa nus malyan guri, halka ay ku dhaawacmeen illaa 13,000 oo qof guud ahaan dalkaas. Daadadkan ayaa sidoo kale barakiciyey malaayiin qof, iyaga oo burburiyey dalagyadii beeraha iyo kumanaan kiiloometer oo waddooyin ah.Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Koonfurta Aasiya, Martin Raiser ayaa ballan-qaadkan ku dhawaaqay habeen hore, ka dib markii uu soo gebagebeeyey booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah ee uu dalkaa ku tago maalinimadii Sabtida.“Aad baan uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka nololeed ee ka dhashay fatahaadaha, waxaannu kala shaqeyneynaa dowladda Pakistan iyo maamulada gobolada sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay,” ayuu yidhi.Raiser ayaa la kulmay wasiiro ka tirsan Dawladda dhexe ee Pakistan iyo wasiirka ugu sareeya ee gobolka koonfurta Sindh, oo ah gobolka ay dhibaatada ugu badani soo gaadhay, halkaas oo uu booqasho ku soo maray. Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan was last modified: September 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post NISA oo soo saartay digniin cusub next post Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab You may also like Guddiga Doorashada Galmudug Shahaado Guddoonsiiyay Musharixiinta Kuraas Ka Tirsan G/Shacabka 26/01/2022 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 12/06/2022 Madasha Xisbiyada Qaran: Waxaan mar kale ka digaynaa fara gelinta Itoobiya” 16/06/2020 Akhriso:-Qarax Ismiidaamin eh oo ka dhacday degmada Afgooye 05/08/2018 Video Wafdi Ay Isgu Jiraan Xildhibaano Iyo Daqaatiir ayaa soo Gaarey Magalada Baydhabo Ee Haruunta Gobolka Bay 19/03/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 19/07/2020 QM oo codsatay in hantida ka xayiran Afganistan lagu badbaadiyo dadka 14/01/2022 Weerar Gantaallo ah oo lagu qaaday saldhig Ciidamada Mareykan ay ku leeyahiin Ciraaq 04/04/2021 Dhageyso+Sawiro:-Dood looga hadlayey shaqa la’aanta haysata dhalinyarada ayaa ka dhacday Idaacadda Warsan ee Baydhabo 24/10/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.