
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xoreeyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inayΒ Al-Shabaab ku jebiyaan bartamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaaray hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.
Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu xoreeyay wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay.