Baydhabo-{WMN}-Maamulka Goboledka Koonfurgalbeed ayaa wada diyaar garow ku aadan sidii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanadaay kaga suganyihiin gobalka Shabeellaha Hoose iyadoona maamulka uu ciidamadii ugu badnaa isugu geeyay degmada Walaweyn ee gobalkaasi,
Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxamed Isaaq Cabdi oo horboodayay masuuliyadda booqashada ugu tegay ciidanka ayaa waxa uu sheegay in maamulku uu u diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Al-Shabaabiyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay gacanta ku haayaan
Wasiirka oo goob fagaara ah kula hadlay askarta ayaa waxa uu sheegay inay u diyaar garoobaan howlagallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga fulinayo gobalka Shabeelaha Hoose,waxa uuna carabka ku adkeeyay in saacadaha soo aadan gulufka ka dhanka Al-Shabaab uugu bilaaban doono, sida ugu dhaqsiyaha badana looga saari doono Al-Shabaab deegaanada gobalka, gacanta maamulkana loo soo gelin lahaa deegaanada ka maqan
Deeganada maamulka koonfurgalbeed ayaa ka mida goobaha ay howlgallada ka wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa xoreynta degaanka, kuwaas maalmihii la soo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen gobalka Baay ay kula wareegeen deegaano ay Al-Shabaab