Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta Al-Sabaab ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah Shabaab.