Baydhabo-{WMN}- Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa kooxdiisii hore kula taliyay saxeexa khad dhexe oo ka ciyaara horyaalka Premier League horena loola xidhiidhiyay.
Sida uu sheegayo wargeyska Diario Gol, saxeexa uu Zidane usoo jeediyay Madrid ayaa ah khadka dhexe ee Leicester City ee Youri Tielemans oo heshiiskiisa kooxdaasi dhammaadka xilli ciyaareedkan ku eeg yahay.
Madrid ayaa sanadahan ugu dambeeyay bedeshay siyaasadeeda suuqa iyadoo aad u eegata xiddigaha heshiisyadoodu dhacayaan iyo kuwa sanadku u hadhsan yahay, Tielemans ayaa shuruudahaas si fiican u buuxinaya.
Tielemans ayaa mudo dheer ku jiray liiska xiddigaha laga doonayo Bernabeu balse maaha bartilmaameedka koowaad oo waxa haatan ka horreeya Jude Bellingham oo Borussia Dortmund ka tirsan.
Iyadoo ay macquul tahay in Toni Kroos baxo isla markaana Modric 38 sano jirsan doono sidoo kalena heshiiskiisu dhacayo ayay Madrid doonaysaa xoojin kale oo khadka dhexe ah walow ay labadii suuq xagaa ee ugu dambeeyay lasoo wareegtay Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni.
Sida lagu sheegay warbixinta Diario Gol, bandhigyada Tielemans ee Leicester ayaa ah kuwo ay Madrid ku qanacday xilli ay xaaladiisa la socotay tan iyo markii uu Anderlecht ka tirsanaa.