Baydhabo-{WMN}- Waxa war cusub laga helayaa xaalada dhaawaca goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois oo seegay kulankii ugu dambeeyay ee ay barbardhaca Axadii Bernabeu kula galeen Osasuna oo soo martiday.
Courtois ayaa kulankaas oo ah midkii koowaad ee ay Madrid xilli ciyaareedkan dhibco lumisay ku seegay xanuun uu ka dareemayay dhabarka iyo feedhaha.
Sida lagu sheegay barta Twitter-ka ee Managing Madrid haatan, dhaawaca Thibaut ayaa ka xumaan kara sidii markii hore la filayay, xogta ay heleen ayaa sheegaysa in Courtois uusan lahayn taariikh go’an oo uu soo noqonayo isla markaana ka qayb galkiisa kulanka El-Clasico ee 16-ka bishan uu shaki ku jiro.
Goolhayaha ree Ukraine ee Andriy Lunin ayaa booskiisa sii buuxinaya mudada uu Courtois maqan yahay, Lunin ayaa ah darbo joojiye wanaagsan sidoo kalena leh calaamadaha goolhayaha casriga ah balse maqnaanshaha Courtois ayaa wali werwer ku ah Ancelotti oo uu aad muhiim ugu ahaa.
Intaas waxa dheer inay dhaawacyo kasoo laabteen ruugcaddaaga khadka dhexe ee Luka Modric iyo xiddiga boosaska badan qabta ee Lucas Vazquez oo labaduba muhiim u ah Los Blancos.