
Baydhabo-{WMN}-Β Dhaawacyada kooxda Barcelona gaar ahaan dhinaca daafaca ayaa ah kuwo halkooda kasii socda iyadoo haatana uu liiska xiddigaha qolka daawaynta loo diray ku biiray daafaca dhexe ee Andreas Christensen.
Barcelona ayaa kulan muhiim ah oo ay booqatay Inter Milan xalay guuldarro kala soo laabatay iyagoo haatan booska saddexaad kaga jira Group-kooda.
Christensen ayaa dhaawac uga baxay kulankaas kahor inta aysan gaadhin 60 daqiiqo iyadoo lagu badalay ruugcaddaaga kooxdaas ee Gerard Pique.
Barcelona ayaa warbixin rasmi ah oo ay kasoo saartay dhaawaca Andreas ku sheegtay inuu gaadhay dhaawac canqawga ahi, walow ay xuseen in maanta la marin doono baadhitaan haddana wargeyska Diario AS ayaa sheegay inuu daafaca Danish-ka ahi mudo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doono.
Taas ayaa ka dhigan in Christensen uu ka maqnaan doono kulamada Celta Vigo, Inter, Real Madrid, Villarreal iyo Athletic Bilbao. Warkan ayaa ka dhigan in Barcelona haysato kaliya laba daafac dhexe oo taam ah oo kala ah Eric Garcia iyo Gerard Pique.
Christensen ayaa dhaawacyada kula biiray Frankie De Jong, Memphis Depay, Hector Bellerin, Jules Kounde iyo Ronald Araujo.
