Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in 19 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa degaanka Basra iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib dagaal ka dhacay halkaas.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadu ka warheleen inay Al-Shabaab isku aruursanayeen Tuulada Muryaale sidaasina Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada oo helay xogta Al-Shabaab inay sameeyeen roondo xiliga uu dagaalku dhacayay, sidoo kalena ciidamadu ay wali ku raad joogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay ciidamo sigaar ah u tababaran si ay dhulka badiyaha ah ugu beegsadaan Al-Shabaab, isla markaana weerarkii saaka ciidamada dowladda laba askari kaliya ay uga dhaawacmeen.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in dagaalkii saaka ka dhacay degaanka Muryaale ee u dhow degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay 19 askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ix kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka Muryaale.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa maalmihii la soo dhaafay si joogta ah howlgallo uga sameeynayay inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu ay ka saareen deegaanka Basra Al-Shabaab oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada.