Baydhabo-{WMN}- Wafdigan oo is kugu jiray Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Xildhibaan Abdirisak Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaarada Haweenka Soomaaliya Khadiijo maxamed Diiriye iyo Gudoomiye ku xigeynka 1-aad ee Aqalka hoose Marwa sacdiya Yasiin iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Goordhow degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Maamulka degmada Buulo Burde iyo saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Masuuliyiintan, waxaana looso galbiyey xarunta Maamulka degmada.
Ujeedka masuuliyeentan ayaa ah in ay dheeragalin usameeyaan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula Jiro Al.shabaab ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan qeeybta Buulo Burde.