Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.
Shirkaan oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soosaar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hayโadda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca waxsoosaarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.
Wasiir Axmed Baashi ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii looga faaโiideysan lahaa kheyraadka kujira dalka iyo in la maalgashado.