Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Addis Ababa written by Warsan Radio 13/10/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Addis Ababa was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday next post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan You may also like Daawo Muqaalkaan Madax Ka socota World Vission oo kulan Laqaatey Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed soomaaliya ee magaalada baydhabo janaay 02/03/2017 Israa’iil oo Askar Iran u dhashay ku dishay Suuriya 22/01/2024 Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho 18/02/2023 Dhageeyso:-Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 27/10/2018 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 18/01/2022 Dhageyso:Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/05/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Athiiny kydeyooy qeybtiisa 18 aad 09/11/2022 Midowga Africa oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Itoobiya 10/11/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/10/2021 Tartan aqooneedkii Idaacada Warsan ka socdey oo Caawa la soo Gabagabeeyey 22/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.