Labo askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee howlgalka u joogay Soomaaliya oo lagu helay inay dil toogasho ah ku fuliyeen 8 qof oo rayid ah ayaa maanta maxkamad racfaan ah ku xukuntay dil toogasho ah.
Kabtan Charles Asiimwe iyo Corporal Edison Bwambale ayaa ka mid ahaa shan askari ee Uganda u dhashay ee lagu helay todobo dambi oo dil ah oo ay ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida, xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho bishii Nofembar ee sanadkii 2021-kii.
Asiimwe iyo Bwambale ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka saddexda askari ee soo hartay eek ala ah Corporal Alexander Babu, Lance Corporal Phillip Ichumar iyo Private Kerere Tushemereirwe lagu xukumay min 39 sano oo xarig ah.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa codsi ka yimid koox ka tirsan AMISOM oo loogu diray inay soo baaraan dilka 10 qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan oo ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Maxkamada ayaa sheegtay in 7 qof oo shacab ah la xir xiray kadib markii ciidamada Uganda la sheegay in ay wadada ka heleen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Asiimwe ayaa amar ku bixiyay in la toogto dadka rayidka ah, iyadoo meydadkoodana lagu qarxiyay walxaha qarxa.
Xiliga uu dilka dhacayay ayaa AMISOM waxa ay soo bandhigtay sheeko gabi ahaanba ka duwan kuwii hore, waxayna sheegtay in 7-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen ciidamada Uganda, xilli ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada, xilli ay roondo ka sameynayeen wadada u dhaxeysa deaannada Beldamin iyo Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana lagu soo furtay hub noocyadiisa kala duwan.
Wax yar laba bilood ka dib, AMISOM waxay qiratay in Ciidamadooda Nabad ilaalinta ay si sharci darro ah ku dileen toddobo qof oo rayid ah gudaha Soomaaliya, iyagoo ballan qaaday in lala xisaabtami doono askartii ka dambeysay falkaas.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda rafcaanka ciidamada ee Kampala ayaa dhinac isaga dhigtay xukunka dilka ah Arbacadii, iyadoo xukuntay in ciqaabtu ay ahayd mid xad dhaaf ah.
Taa beddelkeeda, Capt Asiimwe iyo Cpl Bwambale ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah. Iyagoo wajihi doonaan 19 sano iyo saddex bilood oo kale oo xabsi ah.
Maxkamadda Racfaanka ayaa sidoo kale hoos u dhigtay 16-sano oo lagu xukumay Cpl Ichumar iyo Pte Tushemererwe, iyadoo sheegtay in labadan nin ay u hogaansameen awaamiir ka soo baxay saraakiishooda, taasi oo ay aheyd in lagu xisaabtamo marka ay xukunka ridayaan.
Corporal Babu oo kamid ah raga lagu soo eedeeyay dilalka rayidka ayaa waxaa sii daayay maxkamadda rafcaanka, iyadoo xustay in marqaatiyaasha xeer ilaalintu aysan ku lug lahayn Corporal Babu mid ka mid ah dilalka rayidka.