Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya written by Warsan Radio 15/10/2022 Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay.Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka daran middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badan.Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gurmadka abaaraha ee Soomaaliya isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubeysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roobaadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u di’in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha. Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya was last modified: October 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 19/08/2020 Dowladda Somalia oo ka hadashay qaraxa Baydhabo 29/07/2022 Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO 11/05/2022 Ciidamada DF iyo kuwa Faransiiska oo howl-gal qorsheysan ku dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan Shabaab 18/07/2020 Dhageyso:-Cabduqaadir Axmed oo Loo Yaqaano Chief Sagaareey Ayaa Tacsi u Diray Fanaanaddii Weynayd Khadiijo Cabdulaahi Dalees 18/01/2018 Ehellada Sakariya & Sowdo oo shuruud ku xiray in la Aaso meydadka 03/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/11/2021 Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Dib U Dhigay Kulankii Lagu Dhaarin Lahaa Madaxweynihii hore ee Maxamed Abdullahi Farmaajo 20/08/2022 Gudoomiye Mursal oo sheegay inay farriin hanjabaad ah uga timid madaxweyne Maamul Goboleed 28/06/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 27/07/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.