Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay written by Warsan Radio 16/10/2022 Todobaadkaan waxa aaad u kordhay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah Kooxaha Burcadda ah ay ugu geysanayaan meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la dilay in ka badan Saddex Ruux.Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay kudileen Deegaanka Zwide township Ee Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth) muwaadin Soomaaliyeed oo rooti Gaari ku wareejin jiray.Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lamagacisa lagu soo koobay Najiib ayaa la sheegay in rag burcad ah oo hubeeysnaa ay weerareen xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay isagoo geeynaya dukaamo uu macaamil la ahaa.Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay ayaabilaabay baadi goobka burcadii ka dambeeysay dilka toogashada ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.Sidoo kale shalay gelinkii dambe Kooxo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed kudilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg sida ay xaqiijiyeen ehalladiisa.Dhinac kale Maalintii khamiista aheyd ee aan kasoo gudubnay Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng, kaas oo lagu magacaabi jiray Hassan Mohamud (Hassan Ever)Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacay dalka Koonfur Afrika maalmihii la soo dhaafay, waxaana dilalka inta badan ay ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada. Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay was last modified: October 16th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Madaxweynaha soomaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Turkiga You may also like Muqdisho Waxaa Maanta Aas Qaran loogu Sameeyay Marxuumad aamino Maxamed. 25/03/2022 Xildhibaan Maxamed idiris ganey oo shaaciyay waxa keenay walaaca laga qabo doorashada 03/06/2020 Ajaaniib muddo dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya oo la sii daayey 21/08/2020 Mareykanka oo Itoobiya uga digay Saraakiisha ay dalkeeda ka eriday 02/10/2021 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 21AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 11/12/2017 Madaxweynaha Poland oo laga helay xanuunka Coronavirus 24/10/2020 DHAGEEYSO:-SANAD KII TAGAY BISHA 7 DOBAAD BISHA 8 DAAD IYO BISHA 9 XAAD EE 2016DA 01/01/2017 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Isbitaalka Xoogga Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Difaacidda Qarannimada 20/02/2020 Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shir ku saabsan aagga ganacsiga xorta ah ee Africa 06/12/2020 Daahir Maxamuud Geelle oo shaaciyay in uu ka haray tartanka Madaxweynaha 14/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.