Baydhabo-{WMN}-ย Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac Oo Ku Sugan Magaalada Baydhabo Ee Caasimadda KMG U Ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan Gaar ah La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Qeybta 60- aad
Kulankan Wasiiraka Ayaa Waxaa Ku Wehlinayey Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage Waxaana Si Wadajir ah Kulan Ula Qaateen Saraakiisha Qeybta 60- aad Ciidanka Xooga Dalka Iyagoo Ku Booriyey In Ay Dardar Geliyaan Howlka Ka Dhanka Ah Al- Shabaab .
Wasiirka Oo Ciidanka U Jeediyey Khudbad Dhinacyo Badan Tabaneysay Ayaa Waxa Uu Faray Saraakiisha In Ay Laba Jibaaraan Dagaalka Al- Shabaab Waxaana Uu Intaa Ku Daray In Dowladdu Sigaar Ah Xooga U Saari Doonto Sidii Deegaanada Koonfur Gabeed Looga Saari Lahaa Al- Shabaab.