Ciidamada Dawladda iyo dadka degaanka oo is kaashanayaa ayaa saaka aroortii hore howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka xalfooleey oo ku yaalla meel u dhow xadka kala qaybiya gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Al-Shabaab socoto ahaa ay gubeen mid ka mid ah gawaaridii ay wateen, isla markaana ay dileen tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas ku safrayay.
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Qorshahaan weerarka ah uu yahay mid ku cusub Al-Shabaab, ciidamada dowladana ay markasta diyaar u yihiin inay beegsadaan halkii lagu arko xubnaha katirsan Al-Shabaab.
Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa weli degaanka xalfooleey ka wada hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab, yana sii wadi doonaan in guud ahaan dalka laga saarayo.