
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada uulo-Burde, isaga oo sidoo kale u magacaabay Guddoomiye Cusub, sidoo kalena dib u qaabeyn ku sameeyay Maamulka degmada Jalalaqsi.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ( Karoore) ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha cusub ee degmada Buulo-Burde loogu Magacaabay Axmed Mahad Nuur.
Sidoo kale waxaa uu Wasiirka Magacabay guddoomiye kuxigeennada Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah.
1: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda oo loo magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle oo bedelaya Guddoomiye kuxigeenkii Maaliyadda Gobolka Hiiraan ee qaraxii Beledweyne ku dhintay.
2: Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & dib u dhiska Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Maxamed Muumin.
3: Guddoomiye kuxigeenka dib u heshiisiinta & federaalka Maxamed Maxamuud Maxamed.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ( Karoore) ayaa guddoomiye kuxigeennada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah.
1: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Maaliyadda degmada Jalalaqsi Maxamed Qaasim Cabdi
2: Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & dib u dhiska degmada Jalalaqsi Cabdisalaan Xasan Abuukar.
3: Guddomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Jalalaqsi Maxamed Xasan Ibraahim.


