Afarta kooxood ee kala ah Real Madrid, Barcelona, Liverpool iyo Paris Saint-Germain ayaa la aaminsan yahay inay haatan ku loolamayaan saxeexa dheemanka Borussia Dortmund ee Youssoufa Moukoko.
17 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan qaab wanaagsan kula bilawday kooxda koowaad ee Dortmund isaga oo sagaal kulan oo horyaalka ah saddex gool kusoo dhaliyay.
Tartamada oo dhan, 15 kulan ayuu metelay Dortmund marka laga yimaado inuu aad u yar yahay wuxuuna u muuqdaa hibada ugu weyn ee kasoo baxaysa Germany.
Haatan sida uu sheegayo wargeyska Sport ee Spain kasoo baxaa, kooxda macalin Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa ah mida hoggaaminaysa tartanka saxeexiisa.
Klopp ayay wararku sheegayaan inuu la dhacay hab ciyaareedka weeraryahankaas wuxuuna u doonayaa inuu Anfield u keeno mustaqbal.
Si kastaba, Sport ayaa intaas ku daraya inay Reds la tartamayaan Madrid, Barcelona iyo PSG si ay u dhammaystiraan saxeexa Youssoufa.
Moukoko ayaa kasoo baxay kuliyada da’yarta Dortmund balse Barcelona ayaa garanaysa sababtoo ah inuu kaga hortagay tartanka UEFA Youth League.