
Baydhabo-{WMN}-Daβyarka Kylian Mbappe ayaa faahfaahin laga bixiyay dhaqaale ahaan heshiiskii cusbaa ee uu dhawr bilood kahor qalinka ugu duugay kooxdiisa Paris Saint-Germain.
Sida ay wararku sheegayaan, heshiiska kaliya saddexda sano ah e Kylian ayaa ah mid uu isku geyn 547 Milyan oo pound ka qaadan doono kooxdaas.
23 sano jirkaas ayaa bishii May ka yaabsaday qofkasta oo kubadda cagta la socda isagoo si lama filaan ah uga wareegay goβaankii la filayay ee ahaa inuu Real Madrid bilaash ugu biiro.
Sida uu sheegayo haatan wargeyska Le Parisien, Mbappe ayaa qaadan doona lacag noqonaysa rekoodhka ugu badan ee maaliyad ahaan guud ahaan taariikhda ciyaaraha maba aha kaliya taariikhda kubadda cagta.
Heshiiska ayaa lagu daray qoddobo dhawr ah oo uu Mbappe lacag dheeraad ah ku helayo walow aysan qoddobadaas kamid ahayn inuu Champions League iyo Ballon dβOr ku guuleysto.
Lacagta ayay kamid yihiin 156 Milyan oo pound oo xaqal-saxeexii heshiiska cusub ah oo uu heli doono saddexdaas sano xataa haddii uu kooxda ka tago, 61 Milyan oo pound oo uu ku heli doono sida uu kooxda daacad ugu noqdo isla markaana kordhi doona dhammaadka sanad kasta.
Sida ay warar kuwaas hore lid ku ahi dhawaan sheegeen, Mbappe ayaa weydiistay kooxdiisa durba in la fasaxo oo aan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan.
Wararka ayaa sheegaya in heshiiska Mbappe ee saddexda sano uu toddobaadkii 650,000 ee pound ku qaadanayo uu sanadka saddexaad yahay mid dookh ah oo uu isagu dooran karo iskana dayn karo.