Baydhowy-{WMN}-Real Madrid ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Girona kulan ay doonayso inay kaga soo kabato guuldarradii ciyaarteedii ugu dambaysay kasoo gaadhay RB Leipzig ee Champions League.
Madrid ayaa doonaysa inay ugu yaraan guuldarro la’aanta La Liga sii wadato haddii midii tartamada oo dhan laga jabiyay halka ay sidoo kale rabto inay hoggaanka horyaalka kusoo laabato kaddib markii ay Barcelona xalay farqiga goolasha kaga qabatay.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Real Madrid ayay ka maqnaan doonaan khadka dhexe ee Dani Ceballos iyo kabtan Karim Benzema, marka intaas laga yimaado Carlo Ancelotti ayaa haysta saf buuxa.
Dani Carvajal ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo kulankan daafaca midig, Militao iyo Alaba ayaa daafaca dhexe ku midoobi doona halka Mendy daafaca dhexe asaasi ka yahay.
Luka Modric ayaa Toni Kroos iyo Tchouameni khadka dhexe kala dheeli kara halka Federico Valverde oo dhaawac kasoo laabtay uu weerarka kala soo muuqan doono Rodrygo iyo Vini Jr.
Dhinaca kooxda martida ah waxa dhaawacyo jilibka ah kaga maqnaan doona labada ciyaaryahan ee kala ah Borja Garcia iyo Ibrahima Kebe.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Rodygo, Vinicius
Girona (4-4-2): Gazzaniga; Couto, Espinosa, Bueno, Hernandez; Herrera, Garcia, Romeu, Riquelme; Castellanos, Vallejo
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Santiago Bernabeu
Wakhtiga: 6:15 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Mario Molero