Baydhabo-{WMN}- Koobka aduunka ayaa bilaabmaya kaddib kaliya saddex toddobaad waxaana tartankaas la aadi doonaa xilli kooxo badan oo Yurub ahi ay xaalad xun ku jiraan.
Bishaas ayaa dhinaca kale marka laga eego kooxaha u ah fursad ay dib u eegis ugu sameeyaan safafkooda iyagoo qiimaynaya wixii ka qaldanaa.
Qiimayntaas ayaa qaar kamida tababarayaasha dhibtoonaya ku sababi karta inay shaqooyinkooda waayaan, haddaba waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa shan kamida tababarayaasha waaweyn ee caydhinta sababsan kara.
Jurgen Klopp (Liverpool)
Klopp ayaa noqon doona mid kamida tababarayaasha ugu fiican kubadda cagta England kaddib Premier League iyo saddex Final Champions League oo uu Reds mudo kooban ku gaadhsiiyay balse xilli ciyaareedkan ayuu Reds la dhibtoonaya, Liverpool ayaa ilaa haatan kaliya afar guulood kasoo gaadhay Premier League iyagoo 15 dhibcood u jira durba hoggaanka.
Max Allegri (Juventus)
Waa wax layaab leh in Allegri wali hayo shaqada Juve, xilli ciyaareedkii hore ayaa ahaa midkii koowaad ee Bianconeri koob la’aan baxaan 11 sano kaddib halka xilli ciyaareedkan ay wareega Group-yada kaga hadheen Champions League isla markaana ay durba 10 dhibcood u jiraan hoggaanka Serie A.
Xavi (Barcelona)
Xavi ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah Barca ku sababay inay Group-yada Champions League kaga hadho oo ay aado Europa League, walow horyaalka kaliya hal dhibic looga hayo haddana ceebta ka haysata Yurub ayaa galaafan karta tababarihii hore ee Al Sadd.
Diego Simeone (Atletico Madrid)
Simeone ayaa wakhtigii ugu xumaa waayihiisa Atletico dhexda kaga jira, Rojiblancos ayaa durba ka hadhay Champions League halka ay sagaal dhibcood kor u fiirinayaan miiska kala sarreynta La Liga.
Jesse Marsch (Leeds United)
Macalinka ree Maraykan ayaa afar guuldarro oo xidhiidh ah lasoo kulmay balse isku furtay guushii uu habeen hore Anfield kaga gaadhay Liverpool walow uu wali halis ku jiro.