
Baydhabo-{WMN}-Β Sida ay sheegayaan warar cusubi, Real Madrid ayaa weerar ku qaadi doonta dhigeeda Arsenal iyadoo ka doonaysa mid kamida xiddigaha ugu muhiimsan mashruuca Mikel Arteta.
Ciyaaryahanka Gunners ee Carlo Ancelotti isha la raacayo ayaa ah weeraryahan Gabriel Jesus oo suuqii xagaaga uun kaga soo biiray dhinaca Manchester City.
Madrid ayaa horeba u doonaysay Jesus xagaagii kahor heshiiska uu Emirates Stadium ugu wareegay balse aan la saxeexan sababtoo ah caqabad ka haysatay boosaska xiddigaha aan dal ku galka Spain haysan ee kooxdeeda
Marka laga yimaado inaan heshiiskaasi qabsoomin, Jesus ayaa wali ah ciyaaryahan uu la dhacsan yahay Ancelotti. Wargeyska GOAL ayaa xusaya in Gabriel kamid yahay liis shan ciyaartoy oo Madrid doonayso.
25 sano jirkaas ayaa qayb weyn ku leh qaabka wanaagsan ee ay Arsenal ku bilaabatay xilli ciyaareedkan isaga oo shan gool iyo afar caawimo soo sameeyay.
Xiddigaha kale ee ay Real Madrid saxeexyadooda isha la raacayso ayaa ah daafaca bidix ee Bayern Munich ee Alphonso Davies, daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen ee Piero Hincapie iyo khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez.
Dhawaan ayay ahayd markii Carlo Ancelotti uu sii cadeeyay in kooxdiisa Madrid aysan suuqa January ku xisaabtamayn oo wax saxeexyo ah samayn doonin.
Los Blancos ayaa baahi weyn u qabta saxeexa weeraryahan cusub kaddib dhaawacyada xidhiidhka ah ee Karim Benzema iyo inaysan aaminsanayn weeraryahanka kale ee Mariano Diaz.
.