Baydhabo-{WMN}- Khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Paul Pogba ayaa werwer cusub oo dhaawac wajahaya xilli uu soo dhaw yahay tartanka koobka aduunka oo bisha dambe ka qabsoomaya Qatar.
Warar cusub ayaa sheegaya in Pogba oo hayay wadada uu dhaawacii hore ee jilibka ahaa kaga soo kabanayay uu dib u dhac ku yimid xilli uusan wali kulan tartan ah u ciyaarin Juventus oo uu xagaagii ku biiray.
Pogba ayaa suuqii xagaaga ka dhaqaajiyay Man United iyadoo lagu xasuusto inuu heshiis mushaharkiisu 300,000 oo pound toddobaadkii yahay ku tilmaamay mid aan waxba ahayn oo uu diiday.
29 sano jirkaas ayaa la filayay inuu taam buuxa noqon doono oo kusoo bixi doono safka tababare Didier Deschamps kaddib markii uu dhaawacii hore xilligii la filayay kahor garoomada kaga soo laabtay.
Sida uu sheegayo wargeyska Football Italia, haatan Poga ayaa wajahaya tartan kale oo uu wakhtiga la galayo oo uu kaga soo kabanayo dhaawac muruq ah.
Koobka aduunka ayaa 20 maalmood kaddib bilaabmi doona iyadoo xulka qaranka Les Bleus Qatar u tagayaan si ay u difaacdaan koobka.
Dhaawacyada muruqa ayaa badi u baahda wakhti dheeraad ah sababtoo ah halista uu ciyaaryahanku gali karo haddii garoomada lagula soo degdego.