Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob written by Warsan Radio 06/11/2022 Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah taas oo marar badan kusoo noqnoqday inta u dhaxaysa Deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo Daaqeen noqdaan.Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa laga soo saaray ugu dambayntii qodobo qeexaya ilaalinta Amniga.1-Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah isla markaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay Heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.2 in la keeno heshiisyadii la kala Qortay.3 in todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.4 in dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.5 ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin Ciidamada Isku dhafka ah oo ay xoojinayaan Ciidamada Booliska Iyo Daraawiishta labada Dowlad Goboleed. Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob was last modified: November 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/01/2021 Booliska Mareykanka oo baaray Weerar lagu bur buriye Masjid kuyaalla Minnesota 07/09/2022 Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika 22/06/2022 Dhageeyso:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay qarax gaari oo galabta ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto 27/08/2017 Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay 16 shirkado iyo shaqsiyaad lala xiriiriyey Al-Shabaab 12/03/2024 Gudiga Dorashada Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Eryada 5 Kursi 13/01/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 04/04/2017 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 01/08/2023 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan 08/05/2023 Trump oo ka qeyb-galaya dood labaad kadib caafimaad daradii soo asiibtay 07/10/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.