Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti written by Warsan Radio 09/11/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.Waxaana RW Xamse oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaynaysay oo ku aaddanayd socdaalkiisa, waxaana uu sheegay in Casuumaaddiisa ay timid, kadib markii labada Ra’iisul Wasaare ay horay ugu kulmeen dalka Tunisa, markaasi oo ay isla Qorsheeyeen in ay ku kulmaan dalka Jabuuti. Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti was last modified: November 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Saddex qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Magaalada Addis Ababa 20/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 29/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Dhisayo Waddooyinka Muqdisho Iyo Bebe 31/08/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/10/2019 Dhageyso:-DUQEYN KA DHACDEY GOBOLKA BAAY 24/01/2019 DFS Oo Ka Qeyb Galayasa Shir Looga Hadlayo Shidaalka Afrika oo ka dhacaya dalka Koonfur Afrika. 02/10/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/02/2019 DFS Oo Sheegtay In Howlgal Ka Dhacay Sh/Dhexe Ku Dishay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab 19/01/2023 Muxuu ka yiri RW Rooble Qaraxii Maanta ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada? 25/09/2021 Dowladda oo u hanjabtay dadkii ku lugta lahaa dagaalkii Xabsiga Dhexe 11/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.