Hoos ka dhageyso Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilal Hilal Shueb
November 2022
Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee Iran oo dunida ugu baaqday inay xiriirka u jaraan Iran

Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan debedbaxyada ka socda dalka Iran. Muuqaalkan ayaa la faafiyey ka dib markii la ogaaday in gabadhan la xidhay bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.
Gabadhan Farideh ayaa caan ku ahayd, inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabadh la walaal ah hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xidhay hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay.
“Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan” ayay ku tidhi muuqaalka la baahiyey.
Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof.
Ruushka oo baajiyey kulan ay la yeelan lahaayeen Maraykanka oo ku saabsanaa heshiiska Nukliyeerka ee labada dal

Waxaa hore loo qorsheeyey in masuuliyiin ka kala socota Ruushka iyo Maraykanku inay ku kulmaan dalka Masar, inta u dhexeysa 29-ka bishan November illaa 6-da bisha December, si ay uga wada xaajoodaan in dib loo soo celiyo heshiiskii kormeerka iyo yaraynta hubka nukliyeerka ee ay wada galeen Maraykanka iyo Ruushku sannadkii 2011, kaas oo lagu magcaabo the New START, heshiiskan ayaa hakad galay bishii March ee sannadkii 2020, xilligii uu bilaabmay xanuunka COVID 19.
“Ruushku wuxuu ku wargeliyey Maraykanka inay si iskood ah dib ugu dhigeen kulanka loo ballansanaa, iyaga oo sheegay inay soo sheegi doonaan taariikh cusub oo ay labada dhinac wada kulmi karaan” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.
Afhayeenka u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay inaanu bixin karin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee wuxuu intaas sii raaciyey in Washington ay diyaar u tahay in labada dhinac ay kulmaan xilliga ugu horreeya ee ugu macquulsan, si loo soo celiyo korjoogtayntii hubka nukliyeerka, taas oo xuddun u ahayd heshiiska labada dhinac ay wada gaadheen.
Heshiiska lagu magcaabo the New START ayaa dhaqan galay sannadkii 2011, waxaana ujeedadiisa ugu weyni ay tahay, in Ruushka iyo Maraykanku ay ka wada shaqeeyaan hoos u dhigista tirada hubka nukliyeerka iyo korjoogtayntiisaba, iyo weliba xaddidista tirade madaxyada hubka nukliyeerka ee labada dal ay daabuli karaan, iwm

Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas.
“Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA.
Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.
TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Pakistan ayaa ku gacan seydhay sheegashada TTP isaga oo ku tilmaamay inay tahay marmarsiinyo lagaga baxayo heshiiskii xabbadjoojinta.
“Haddii ay isku dayayaan in ay dib isugu abaabulaan halkan si ay u sameeyaan falal argagixisanimo, markaa waxaan xaq u leenahay inaan ka hortagno,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA.
Islamabad ayaa aaminsan in tan iyo markii ay kooxda Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan, inay iska indho tirtay hawlgallada ay wadaan Talibanta Pakistan, waxaana taasi ay fursad u siisay inay si xor ah, isaga kala gudbaan xuduudda labada dal iyaga oo qorshaynaya hawlgallo.
Cabashadan ayaa keentay in xukuumadda Taliban ay dhexdhexaadiso oo ay martigeliso wadahadal nabadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya TTP iyo dawladda Pakistan, taasoo horseeday waxa loogu yeedhay “xabbad-joojin hal dhinac ah” bishii Juun.
Hase ahaatee saraakiisha Pakistan ayaa weli u arka inaan heshiiskaasi aanu xakamayn weerarada laga soo qorsheeyo gudaha Afghanistan.
Masuuliyiinta Talibanta Afghanistan ayaase iyagu diiday in dalkooda laga soo abaabulo weeraro ka dhan ah dalalka deriska iyo kuwa kale ee caalamiga ahba.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji iyo wefti uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey, ayaa magaalada Istanbul ee dalkaas kaga qeyb galay shirka Wasiirada ee meertada 38aad ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka(OIC).
Shirkan oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha wadanka Turkey ga, ayaa ajendahiisa koowaad loogga hadlay cudurka COVID-19, hir-gelinta Istaraatijiyadda iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Ururka si kor looggu qaado iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Beeraha, Gaadiidka, Isgaarsiinta, dhaqaalaha, isbeddelka Tiknoolajiyadda, la dagaalanka faqriga iyo kobcinta Ganacsiyada gaarka ah.
Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo loo soo gaabiyo OIC, ayaa ah ururka labaad ee ugu ballaaran aduunka marka laga reebo Ururka Qaramada Midoobay, waxaana ururkan ku midaysan 57 wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la soo afjaray weerarkii Hotelka ee Muqdisho

Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ku dhawaad 20 saacadood kadib ay soo afjaraan weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa Rose oo kuyaalla inta u dhaxeeysa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo Godka Jilacow.
Weerarka oo billaawday xalay 8-dii fiidnimo ayaa waxaa Hotelka Gudaha u galay rag hubeysan oo katirsan ururka Al-Shabaab oo muddo saacado ah ka dhex dagaalmayay, waxaana weerarka laga soo badbaadiyay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka halka dad kale ay ku geeriyoodeen weerarka.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu dambeyn laamaha Ammaanka ay ku guuleysteen soo afjarida raggii weeraray hotelka oo uu sheegay inay ahaayeen lix mid kamid ah uu is qarxiyay halka –tii kale ay Ciidamadu toogteen.
Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Villa Rays ay ku dhinteen 8 Ruux oo Shacab ahaa, isla markaana sidoo kale lix kale ay kasoo badbaadiyeen wallow khasaaraha uu Afhayeenku sheegay uu intaasi ka badan karo.
Waqti dheer ayuu ku qaatay laamaha Amniga Soomaaliya inay soo afjaraan ragga weerarka ku qaaday Hotelka Villa Rose,, waxaana Risaala ay heshay Magacyada qaar kamid ah dadkii ku dhintay weerarka, kuwaas oo kala ah
Ilaa lix xubnood oo mid kamid ah uu is qarxiyay halka 5 kale ay ciidamadu togteen, sidoo kalena ay ku dhinteen 8 ruux lix kalena la soo badbaadiyay
1: Cabduqaadir Cabdullaahi Axmed Seed
2: Maxamed Xasan Cilmi
3: Jamaal Ubaxle oo kamid ahaa dadka danta guud ka shaqeeya
4: Jamaal Maxamed
: 5 Cabaas Qaanuuni

Waxaa mararka qaar rasaas teel teel ah laga maqlayaa gudaha Hotelka Raysa ee Xeendaabka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo xalay fiidkii rag huebysan ay ku qaadeen weerar ku billaawday qarax.
Hotelka oo ay deganaayeen Xubno katirsan golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa badankood laga soo badbaadiyay, hayeeshee waxaa la sheegay inay gudaha Hotelka kujiraan rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo rasaas kasoo ridaya.
Hareeraha Hotelka Rays ee la weeraray ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan weerararka lagu qaaday hotelka.
Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka aamusan inay ka hadlaan weerarka, waxaana aad u adag in la helo xogta rasmiga ah ee sida ay wax uga socdaan Hotelka la weeraray iyo Goobaha u dhow dhow maadaama aagaas ammaankooda aad loo ilaaliyo.
Dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa a baxa Madaxtooyada ayaa waxaa la dhigay Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo u diidaya inay dhinaca madaxtooyada soo aadaan dadka iyo Gaadiidka.


WAA SAWIRKA NINKA KU DHINTAY RASAASTA AY FUREEN MALEESHIYAADKA HUBEYSAN
Maleeshiyaad hubeysan ayaa rasaas ku furay Goob ay dhalinyaro ku sugneyd oo kutaalla meel aan sidaas uga fogayn school Cumar samatar ee Waqooyiga magalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.
Rasaasta ay maleeshiyaadka fureen ayaa waxaa ku dhintay Nin lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo, halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayan in arrintaan ay salka ku heyso iska hor-imaad dhowaan magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed oo ku muransan dhul kuyaalla halkaas.
Ciidamo katirsan kuwa Booliska Puntland ayaa tegay halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo wada baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii weerarkaas ka dambeeyay.
Xiisadda labada maleeshiyo Beeleed ayaa weli ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana socda dadaallo lagu dejinayo xaaladda iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raga hubeysan ee dilalka geysanaya.



