3 December waa maalinta naafada Aduunka qayba badan oo dunida ah ayaana maanta laga xusay, hadaba Naafada Magaalada Baydhabo waa sidee?
Maalimo gaar ah oo mar loo dooray in maalintaasi la yiraahdo waa maalin hebel ayaa inta badan dunida laga xusaa.
Maantana waa maalin ka mid ah maalimahaasi waxay ku began tahay maalinta Naafada Aduunka oo si weyn caalamka loogu xuso.
Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyada gaarka ah, waxayna ujeeddadu tahay in bulshadu ay fahanto xaaladda dadkaasi qaba baahiyada gaarka ah isla markaana bulshada lagu wacyi geliyo taageerada iyo gacansiinta dadkaasi.
Sidoo kale maalintani ayaa loogu tala galay in la muujiyo dadka qaba baahiyada gaarka ah ee haddana nolashooda caadiga u maareeya.
Saciid Osmaan Gaabow wuxuu ka mid yahay dadka qaba baahida indhaha balse gudoomiye u ah urur ay ku midooween dadka indha la.
Saciid markiisii hore wuxuu ahaa mid gooni u ah sidii uu ku noolaan lahaa isaga iyo qoyskiisa balse waxa uu gudoomiye u noqday sannadku markuu ahaa 2016kii dad baahidiisa oo kale qaba ku waasi oo ay ka sugeyaan in uu u raadiyo xuquuqda ay leeyihiin.
Saciid ayaa sheegay in maalinta naafada aduunka ay aheyd in lagula dabaal dego deegaankiisa balse taasi aysan dhicin wuxuuna ku eedeeyey dhamaan masuuliyiinta qeyba hooda kala duwan isagoo u jeediyey in ay la shaqeeyaan dadka naafada ah ee ku nool magaalada baydhabo si ay u helaan waxa ay xaqa u leyihiin.
“Waxay aheyd maanta in aad nala dabaal degtaan dadkeeniyow balse waan ka xunahay waxaan ku dhaliileynaa dhamaan masuuliyiinta Koonfur Galbeed, si lamid ah waa in aad naafada la shaqeysaan si ay u helaan xuquuqdooda.”
Dhanka kale wuxuuna bulshada baydhabo ugu baaqay in naafada la garab istaago oo la tixgeliyo
“Bulshada Baydhabo fadlan waxan idin ka codsaneynaa in aad nagarb istaagtaan si aan u noolaano, wax u barano iyo in aan heer wanaagsan aan garno.”
Abdirahman Isxaaq waa qof aan waxba arkin wuxuu qabaa baahida araga ah kuna nool kaam ku yaala duleedka magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka bay wuxuuna timaamay in dalalka deriska la ah ay helaan dadkooda naafada ah qiimeyn iyo ka warqabid balse Soomaaliya aysan ka jirin inta badan in la daryeelo dadka naafada ah ee baahiyaha gaarka ah qaba
“ Wadamada deriska nala ah waa laga xusaa maalinta naafada aduunka weyna tixgeliyaan naafadooda basle soomaliya ma helaan inta badan naafadooda daryeel sax ah sidoo kale ma heystaan qadrin qiimo oo ay mudan yihiin.”
Dadka Naafada ah waxay ka mid yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada balse inta badan Soomaaliya waxaa ka jira Musuq ah in dadka naafada ah aysan helin waxa dadka kale ay helaan halka wadamada qaar dadkooda naafada ah ay leeyihiin xuquuq ka duwan tan dadka dhimeystiran.
W/Q:- Wariye Abdourahman Yusuf Hassan Sooriyaako