Xudur, Diseembar 03, 2022: Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka kulanka Isku-duwidda iyo u diyaar-garowga Abaaraha ee Degmooyinka Gobolka Bakool oo socon doono muddo 2-maalmood ah oo maanta ka furmey magaalada Xudur.
Furitaanka Shirkaan maanta ka furmey magaalada Xudur waxaa Aaladda fogaan aragga ah kaga soo qeybgaley Guddigga gurmadka Abaaraha ee Koonfur Galbeed, waxeyna dhammaan ka qeybgaleyaashu waxey ku doodeen waxyaabaha hortabinta leh ee u baahan in xoogga lasaaro oo loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa.
Gudoomiyaha Degmada Xudur oo ka hadley furitaanka kulanka ayaa ka sheekeeyey muhiimadda uu Kulankaan u leeyahey Bulshada, Hay’adaha Samafalka ka shaqeeya la xoojiyo la xisaabtankooda iyadoo la kaashanaayo maamulada. Gudoomiye Cumar Cabdulaahi ayaa sidoo kale Dowladda ka codsadey in magaaladaan Xudur ay u baahantahey dhismo ceel biyoodyo kala duwan oo qalabkii lagu sameyn lahaa laga caawiyo oo Dowladda iyo Hay’adaha ay soo gaarsiiyaan magaalada wuxuuna u mahadceliyey Guddiga Abaaraha iyo Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaaa kasoo qeybgaley dhammaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Xudur, Waajid, Ceelbarde, Rabdhuure iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, Isku-duwaha samafalka ee Gobolka Bakool, Gudoomiye kuxigeenada Gobolka Bakool, Guddiga gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed oo Aaladda fogaan aragga uga soo qeybgaley iyo Wasiir kuxigeenka gargaarka Koonfur Galbeed.
DHAMMAAD.