Afduubka Soomaalida oo ka billaawday meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika written by Warsan Radio 11/12/2022 Kooxo Burcad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika waxaa ay ka bilaabeen afduubka dad kale oo ah Soomaali aiyo Itoobiyaa si ay uga qaataan lacago madax furasho ah.Arrintaan ayaa dhowwrkii malmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacday meelo kamid ah Xaafada Soomaali ay ku badan tahay ee Mayfair, isla markaana maalmihii la soo dhaafay dad badan la afduubtay.Mid kamid ah Soomaalida kunool Xaafada Mayfair ayaa sheegay in dadka la afduubtay uu kamid yahay Milkiilaha Hotel-ka caanka ah ee Magaalada Johannesburg , kaas oo weli gacanta kooxaha Burcadda ah ku maqan.Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatadaan kajirta Magaalada Mayfair aysan ku baraarugsaneyn dadka Soomaaliyeed oo qaarkood Gaacsato ah, isaga oo Booliska ugu baaqay inay arrintaan wax ka qabtaan.Dalka Koonfur Afrika ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay kajiray dhhibaatooyin isugu jira dila, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loo geysanayay Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyada dowladda Koonfur Afrika ay waxka qaban la’dahay. Afduubka Soomaalida oo ka billaawday meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika was last modified: December 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/01/2021 Dhageyso:-DAAWO: SAWIRADA BIYO LA’AAN IYO ABAAR BAAHSAN OO KU DHAFTEY GOBOLKA BAY 19/12/2016 Kenya oo ka hadashay Weerar lagu laayay Dhallinyaro Soomaali ah 17/08/2023 DFS oo Hay’adaha Caalamiga ah kala shirtay fatahaada Baardheere 28/03/2023 11 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob cunto lagu qaybinayey 01/04/2023 Bandow lagu soo rogay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan 03/10/2022 Akhriso:-Aqalka Sare oo maanta ka doodaya Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World. 13/03/2018 Wasiirka Gargaarka oo kormeer u tagay Degmada Afgooye (SAWIRRO) 23/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/11/2021 Muxuu Mareykanka Ka Yiri Weerarkii Al-Shabaab Ku Qaaday Saldhiga TAMIS Ee Ceelbaraf? 06/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.