Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya written by Warsan Radio 11/12/2022 Cudurka Shuban biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacay degaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyada oo dhowr qof Soomaali ah ay cudurka u geeriyoodeen tiro kalena ay xilligaan Isbitaalada la jiifaan xanuunka.Degaannada hoostaga Magaalada Wajeer ee uu cudurka ka dilaacay ayaa waxaa ku sugan dad Soomaali qaxooti ah, kuwaas oo ka tegay degaano kale oo ay ka dhacday abaar saameyn ku yeelatay noloshooda.Axmed Dhicis Xaaji aoo ah Xildhibaanka laga soo doorto degmada Habasweyne ayaa sheegay in ilaa iyo Saddex Ruux ay u geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka 10kaena ay Isbitaalada la jiifaan.Wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray Xildhibaanka in dadka kunool degaannada hoostaga Magaalada Wajeer u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg deg ah, maadaama ay yihiin dad badi degaano kale ka yimid.Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya kajiray dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay colaad beeleedyo iyo abaar daran, iyada oo badi dhibaatadaas ay saameeysay dadka Soomaalida ah. Dad Soomaali ah oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Kenya was last modified: December 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo guddiga cusub ee doorashooyinka Ammar siiyay next post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika You may also like Barnaamijka Sooyaalka Digil iyo Mirifle 18/07/2023 Xamse oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen 09/07/2022 Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay qeebo ka mid ah Dalka Mareykanka 16/09/2022 Saaxiibbada Caalamka oo Boorriyay in la Xalliyo Muranka Siyaasadda, Xooggana la saaro Doorashooyinka 02/10/2021 Dad lagu la’yahay god ay ka qodayeen dhuxul Waqooyiga dalka Mexico. 06/06/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/11/2019 Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay 26/02/2021 Guddoomiye Cali jeyte oo faah faahiyay sababta uu uga baxay Guddiga 13/12/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha Guud ee QM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 02/11/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.