Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine written by Warsan Radio 13/12/2022 Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.Wareega sagaalaad ee cunaqabataynada ee uu soo rogayo Midawga Yurub ayaa lagu beegsanayaa saraakiil ka tirsan dawladda Ruushka, wershedaha soo saara qalabka difaaca iyo weliba bangiyada Ruushka. Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like RW Rooble oo la kulmay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed (SAWIRRO) 23/11/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/09/2022 Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Amar dul-dhigay Hay’adaha Samafalka ee ka Hoolgalaa 28/08/2022 Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen 15/11/2023 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo lagu soo dhaweeyay (Sawiro) 22/08/2020 MW Xasan Sheekh “Qofkii kasoo goosta Al-Shabaab dalka Madaxweyne ayuu ka Noqon karaa” 18/08/2023 Ciidmada Itoobiya oo wajahaya eedeymo culus oo ku aaddan Xasuuq ay gaysteen 26/03/2021 Dowladda Ingiriiska oo hal sabab darteed u xirxirtay tiro badan oo dad ah 03/08/2023 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 28/03/2017 Kartuuniste aflagaado u geystey Nebi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Denmark 19/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.