Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv written by Warsan Radio 15/12/2022 Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rideen illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme.Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka. Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv was last modified: December 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post gudoomiye waaxeed Kooxo hubeysan oo ay ku dileen magaalada Garbahaarey You may also like DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu soo afjarayo Shabaabka ku sugan… 27/02/2024 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsn 02/04/2023 Sagaal qof oo ku geeriyootay isbitalka Martiini ee la dhigo dadka qaba COVID-19 27/04/2020 DAAWO;SAWIRO- BARAKACIYAAL DHAWAAN SOO GAAREY BAYDHABO OO AFKA FURTEY . 13/10/2019 Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro) 30/07/2020 Dadka ku dhintay daadadka ka soo rogmaday biyo xireenka dumay ee Ukrayn 18/06/2023 DHAGEYSO:-WARKA HAEN EE IDAACADA WARSAN 28/02/2017 Beesha caalamka oo ka shiray xaalada dalka Libya 24/06/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Maxamed C/qaadir Cade oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada Warsan ayaa kawar bixiyey xalada Degmada diinsoor. 17/08/2019 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 28/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.