Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda NISA u magacaabay Jeneral Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaandooska ciidamada Milateriga, kaas oo bedelaya Taliyihii hore ee NISA ee Gobolka Gedo Bakaak Kooko oo dhawaan qarax lagu dilay
Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Taliye Jamaal Xasan Sarey uu mas’uul ka noqon doono Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.