Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday written by Warsan Radio 20/12/2022 Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garoonka Dooloow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, waxaana munaasabadda lagu bedelayay Ciidamada ku sugnaa Taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo dhawaan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.Taliyaha ayaa Ciidamada kaga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadashaqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kalena loola dagaalamo Al-Shabaab.Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loga dareemayay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kadib markii ay halkaasi tageen Wasiirkii hore ee Amniga Jbbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) iyo Sanoter Fartaag oo kamid ah Xidhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday was last modified: December 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan next post Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel You may also like Wasaaradda Waxbarashada iyo Booliska oo ka shiray Amniga Imtixaanka Sanadkan 23/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Todobaadkii tagey iyo Caalamka 14/08/2020 Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii degmada Maxaas oo la keenay Muqdisho 04/01/2023 Madaxweynihii hore ee dalka Gambia oo la Maxkamadeynayo 27/05/2022 DF Soomaaliya oo heshiis la gaartay Midowga Afrika 30/12/2021 Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada 29/09/2020 Ciidamada Ukraine oo dib ula wareegay magaalo ay Ruushka qabsadeen 27/02/2022 Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo la hadlay saxaafadda intii uu ku guda-jiray booqashada Hargeysa 09/01/2020 Wadahadaladii Israa’iil iyo Xamaas oo la isku mari la’yahay 27/03/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/10/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.