Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan written by Warsan Radio 20/12/2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidmada Soomaalida ee ku sugan dalka Eritrea la billaabi doono inay dalka kusoo laabtaan bishan December gudaheeda.Madaxweynaha ayaa sheegay in keenista ciidankaas la dhammaystiri doono bisha Janaayo 2023-ka.Hadalka Madaxwyenaha waxaa baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaana uu ka hadlayey kulan uu dhowaan la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka“Dhallinyarada jirta Eritrea waa ay soo laaban doonaan dhowaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo hadlayey toddobaadkii tegay, balse muuqaalka hadalkiisa la baahiyey maaanta.“Waxay imaatinka billaabi doonaan kahor dhammaadka bisha December, waxaana lasoo geba-gebeyn doonaa Janaayo. Waa diyaar xilligan ma fileyno dib u dhac.”Ciidankan ayaa madaxdweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo uu sheegay inay dhan yihiin 5 kun oo askri. Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan was last modified: December 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. next post Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degmada Doolow oo deg deg looga qaaday You may also like Guddoomiye Cabdi Xaanshi oo magacaabay guddiga doorashada gobollada Waqooyi 21/11/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. 15/01/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 05/12/2022 Tirada dadka ku dhintay Qarax ka dhacay Kapul oo sii korortay 01/10/2022 Guddiga Doorashada Hirshabeelle Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Seddex Kursi 28/04/2022 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/12/2021 Khasaaro ka dhashay roob dabeylo wata oo ku dhuftay deegaano ka tirsan Puntland. 23/11/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Cadale Ka Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradeed 26/11/2022 Daawo Video Waxaa Sii Kordhaya Dhibaatooyinka Abaaro ka Taagan Deganada KGS. 08/01/2017 Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho 11/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.