Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka written by Warsan Radio 23/12/2022 Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka was last modified: December 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Federaalka Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Baydhabo next post Dowladda Ruushka Oo Shaacisay Inuu Mareykanka Kula Jiro Dagaal Dadban. You may also like Dhageyso KULAN LABA MAALMOOD SOCDAY OO LOOGA HADLAYAY ARIMAHA DASTUURKA OO BAYDHABO KU SOO GABAGABOOBAY. 15/04/2018 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 01/05/2017 Bangiga Adduunka oo u ansixiyay Mallaayiin dollar dadka abaaruhu ku saameeyeen Somalia 23/06/2022 Dhageyso:-Ra’isul wasaare Kheyre oo kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda iyo Odayaasha dhaqanka KGS. 08/09/2019 Rooble oo si adag uga jawaabay war kasoo baxay Xafiiska Farmaajo 08/08/2021 Akhriso:-Donald Trump oo ku dhowaaqay in dalkiisu uu ka baxay heshiis Niyukliyerka oo Iran 08/05/2018 Somaliland oo Maanta siideysay qaar kamid ah Wariyeyaashii xirnaa 19/04/2022 Yuusuf Garaad oo Dowladda kula taliyay hab hufan oo dalka doorasho looga qaban karo 10/06/2020 Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda cuni yari ee ka jirta Xudur 18/01/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 16/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.