Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran written by Warsan Radio 26/12/2022 Afar iyo toban kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, oo qaarkood la qabtay muddo siddeed sano ah kahor ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay wakaaladda wararka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah.Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee AFP , kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay kadib “wadaxaajood dheer oo ay la yeesheen madaxda dowladda, isimada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ISNA.Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Tehran ee Imam Khumeyni habeenimadii Sabtida kahor inta aan loo dhoofin magaalada koonfurta ee ay ku nool yihiin ee Chabahar.Siideyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen in ay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah.Ma cadda sida ay ku timid in la sii daayo, iyadoo booliiskuna aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baaritaan socda. Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran was last modified: December 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. You may also like Khasaaro ka dhashay Toogasho ka dhacday Suuq ku yaal Mareykanka 23/03/2021 Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza 08/12/2023 DHAGEYSO: Warka Subax ee Idaacada Warsan 16/04/2020 Dhageyso:-Warka Subax Ee Warsan Radio Ee Magalada Baydhabo Janaay , 14/07/2016 Dal Hor Leh Oo DF Ka Ballan Qaaday Soo Dhaweynta Soomaalida Ka Carartay Dagaalka Ukraine 04/03/2022 Raโiisal Wasaare Xamse oo booqday Xerada Turki -Som 01/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/09/2021 Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho 27/07/2020 SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda federaalka oo gaarey Gobolka Bakool 28/02/2020 Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka? 14/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.