Al-Sabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobanaan sano ah ay maamulayeen kadib markii ay ku dhawaadeen Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.
Mid kamid ah dadka degaanka oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in inta badan Shacabka degmada ay Al-Shabaab horay u sii wateen, hayeeshee Magaalada hadda ay tahay mid cidlo ah.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin duleedka degmada Galcad, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan degmada Galcad oo katirsan gobolka Galgaduud.