
Qaraxaasi ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Qasriga Ohinoyi ee Degmadda Okene ee Gobalka Kogi ee dalkaasi, xilli uu Madaxweyne Buhari doonayey inuu xariga ka karo Mashaariic.
Xubinta Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika ee loo qabtay kiiskaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/muncim Ibrahim Otaru oo lagu naanayso Abu Mikhdadad, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Waaxda Adeega Dowladda Nigeria.
Xubinta Daacish-ta Waqooyiga Afrika ayaa la qabtay xilli uu baxsan lahaa, karib markii ay Ciiddanka Amaanka ka toogtaan Ciribta Lugta Bidix, iyadoo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ilaalo laga hayo.
Sidoo kale, Hay’adaha Amaanka ee Nigeria waxay sheegeen inay bishan January 3-dii qabteen xubin kale oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Saidu Suleyman.
