Doorashadaani ayaa aheyd mid ka duwan Doorashooyinkii hore ee ka dhici jiray Xarunta ku meelgaarka ee Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Soomaliya ee Baydhabo taa soo Maanta ay ahayd in la Doorto 7 Xilibaan
Waxaa ugu horeen Maslaxa soo fuulay Beesha Luwaay oo ay horay ugu lahaayen 3 Xilibaan ee Dowladii dhaxe
Beeshani ayaa waxaa ay u mareen qeybinta Ergada si ka duwan sida ay u soo xulayeen Beelaha kale
Beeshabi ayaa ka kooban shan Jinfi waxayna ku xuleen Ergadooda Jinfadiiba 10 hal kii boos ayna noqanayso 50 Ergo sidaasina ay ku soo xuleen 3 xada boos ay u tartamayeen Ergadooda taa soo meesha ka saartay in ay ku xisaabtamaan xigaal iyo nin Jeclaysi oo Jahwaree ku riday Musharaxiinta beesha oo ahaa 8 Musharax
Doorashada ayaa bilaabatay 10:00 subaxnimo waxeyna soo gaartay 8 da fiidnimo waxaana si weyn looga hadalhayaa gudaha Baydhabo oo ku noqotay layaab in 3 Xilibaan keliya ladoorto maanta tasoo aad uga duwaneed Doorashooyinkii horay uga dhacay Magaalada Baydhabo
Sida ay u dhacda Doorashada iyo Codadka lakala heley Maanta
1 Hani Maxamed Adan 26 cod
waxaa latartamay
A Muraayo Ibrahim Madeer 23 cod
C Xabiibo Sajin Maxamed 2 cod
2 Idiris Cabdi Takhtar 27 cod
waxaa latartamay
A Axmad Nuur Fanax 18 cod
3 Maxamed Mursal Sheikh 34
waxaa la Tartamay
A Cabdulahi Maxamed Mursal (Shaleeteey ) 14 cod
B Xasan Cabdulqadir Mursal 1 cod
Doorashadani ayaa waxaa qeyb ka ahaa Danjire Keeti oo ah u qaabilsnaha qaramada midoowe soomaaliya waxaana uu amaan u jeediyay habsami socodka Doorashada Koonfur Galbeed