Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari written by Warsan Radio 06/01/2023 Waaxda Adeega Dowladda ee Nigeria ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen Xubin ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika oo ka dambeeyey Qarixii isbuucii hore (December 29) ee lala maganaa in lagu khaarijiyo Madaxweynaha dalkaasi, Muhammadu Buhari.Qaraxaasi ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Qasriga Ohinoyi ee Degmadda Okene ee Gobalka Kogi ee dalkaasi, xilli uu Madaxweyne Buhari doonayey inuu xariga ka karo Mashaariic.Xubinta Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika ee loo qabtay kiiskaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/muncim Ibrahim Otaru oo lagu naanayso Abu Mikhdadad, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Waaxda Adeega Dowladda Nigeria.Xubinta Daacish-ta Waqooyiga Afrika ayaa la qabtay xilli uu baxsan lahaa, karib markii ay Ciiddanka Amaanka ka toogtaan Ciribta Lugta Bidix, iyadoo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ilaalo laga hayo.Sidoo kale, Hay’adaha Amaanka ee Nigeria waxay sheegeen inay bishan January 3-dii qabteen xubin kale oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Saidu Suleyman. Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay next post Somaliland oo Abaabul dagaal ka billaawday duleedka Laas-Caanood You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/06/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee idaacada warsan 08/10/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/07/2021 Deg Deg: Dab Qasaaro Dhimasho Sedax Qof ah Geystay Oo Ka Dhacay Xaafada Katirsan Magalada Baydhabo. 07/01/2020 Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo 06/02/2022 Maamulka Hirshabeelle Oo Soo Gaba-Gabeeyay Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka 06/05/2022 Maamulka Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay Xubin katirsan Al-Shabaab 08/05/2023 Wasiir Maareeye: Warbaahinta Dowladda waxaa loo bedelayaa nidaamka adeegga dadweynaha 07/10/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/01/2022 Akriso:-Shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay 01/08/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.