Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan written by Warsan Radio 11/01/2023 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Talaadadii u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan “dagaal musiibo ah oo daba dheeraada.”Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah.Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan.Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso.Khan ayaa ku eedeeyay xukuumadda isaga bedeshay ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, inay soo saartay “hadal khatar ah oo mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan” taasoo keentay culeys xagga xiriirka laba geesoodka ah, halkii ay ka raadin lahaayeen iskaashi si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee TTP.“Haddii dowladda Afghanistan ay joojiso wadashaqeynta ay nala leedahay ama aad kharribto xiriirka kaala dhexeeya, markaas dagaalkan lagula jiro argagixisada ee Pakistan wuxuu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn oo wuxuu noo noqonayaa masiibo weyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan. Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Hub ka-dhigista TPLF oo bilaabatay next post Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? You may also like Ardeyda Baxdo oo maanta ka qeyb gashay imtixaanka iyo dowladda oo ka hadashay 18/06/2022 Akhriso:-Guddoon cusub oo ay doorteen Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka 26/12/2018 DHAGEYSO: XILDHIBAAN CISMAAN CAATO” MOOSHIN KA DHAN AH MADAXWEYNAHA MA WADNO, DOWLADA KGS AYAAN TOOSIN RABNAA” 15/01/2017 Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka muujiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka dalka 16/08/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada 17/08/2020 Sweden oo soo masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia & dalal kale 20/08/2023 Daawo Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay dil magaalada Muqdisho uu ka geestay askari katirsanaa ilaaladiisa 12/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/08/2021 Akhriso:-Golaha Wasiirada oo Warbixin ka Dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka 11/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.