Faransiiska iyo Jarmalka oo ku baaqay in Afrika ‘kuraas joogto ah laga siiyo golaha ammaanka ee QM’ written by Warsan Radio 14/01/2023 Wasiiradda arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in iyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiisku Catherine Colonna inay ku dareen taageeradooda ku aaddan in Afrikaanku ay kuraas joogto ah ka helaan golaha ammaanka.Baerbock ayaa hadalkan jeedisay ka dib markii iyada iyo wasiirka arrimaha debedda ee Faransiisku ay kula kulmeen guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.“Haddii aanu nahay saaxiibada Yurub iyo anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, waxaanu aragnaa in dunidu ay sannadka 2023 aanay la mid ahayn tii jirtay wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka, sidaa awgeed waxaanu taageernay laba kursi oo rasmi ah oo qaaradda Afrika ay hesho,” ayay tidhi Baerbock.Hogaamiyayaasha Afrika ayaa sanado badan ku baaqayay in kursi joogto ah laga siiyo Qaramada Midoobay.Guddoomiyaha Midowga Afrika ee xilka ka sii degaya Macky Sall, sidoo kalena ah madaxweynaha Senegal, ayaa ku celiyay dacwadaas shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhacay bishii September.Waxa uu sheegay in sidoo kale ay tahay in Afrika ay kursi ku yeelato kooxda G-20 ee ugu dhaqaalaha badan caalamka.Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa taageeray arrintan intii uu socday shirkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacay dalka Maraykanka.Haatan xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban shan dal oo kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Maraykanka iyo Ruushka. Sidoo kale waxaa jira dalal la doorto labadii sanoba hal mar.Haddii go’aankan la isku raaco, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee dalalka Afrika la siiyo kursi awood u leh inuu dhiibto codka diidmada qayaxan ama ‘Veto Power’. Faransiiska iyo Jarmalka oo ku baaqay in Afrika ‘kuraas joogto ah laga siiyo golaha ammaanka ee QM’ was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan You may also like Ra’iisal Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka 02/09/2023 Maxkamada ICJ oo mar kale maanta bilaabaysa dhegaysiga dacwada Kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya 15/03/2021 Akhriso:-kenya oo raadinaysa in ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soo farageliso muranka Badda ee kataagan 18/06/2019 QM oo ku baaqday $70 milyan oo lagu caawiyo Malawi 04/04/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/08/2021 Jubbaland oo taageertay Go’aankii lagu Eryay Francisco Madeira 08/04/2022 Akhriso:-Xukuumadda oo manta ka dooday Ku-Biiritaanka Soomaaliya Ee Suuqa Ganacsiga Bariga & K/Afrika 20/12/2018 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka 30/01/2021 Hay’ado sheegay in abaartii ugu darneyd ay kajirto Soomaaliya 19/05/2022 Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan 25/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.